4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2018
Ku-simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘’ Waa nasiib darro dibadbaxyada ka socda Baydhabo

 

Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cabduqadir Shariif Sheekhu-na Maye ayaa ku baaqay in la joojiyo dibadbaxyada ka socda magaalada Baydhabo.

Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in dad yar sida uu hadalka u dhigay magaalada ka sameeyaan amaan darro kuwaa oo aan marnaba raali ka aheyn ayuu yiri hormarka socda,waxaana uu dhinaca kale baaq u diray ciidamada nabad-galyada.

‘’Ciidamada nabad-galyada waxaa leeyahay waa in aad shacabka u turtaan u dhawaataan isfaham abuurtaan ayaan leeyahay’’ ayuu yiri ku-simaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo Ammaanka Magaalada Baydhabo, islamarkaana la joojiyo dibadbaxyada ka socda Magaalada Baydhabo oo uu sheegay in ay waddaan kuwo kasoo horjeedda Ammaanka.

Ku dhowaad 10 ruux oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay dibedbaxyada shalay iyo maanta ka socda Baydhabo oo dariiqyada magaaladaas u bedelay goob dagaal, waxaana saakay magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed oo sida la sheegay ay toogteen ciidamada nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]