4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 14, 2018
Xildhibaan toogasho lagu dilay magaalada Baydhabo

 

Jimco, December, 14, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in goor dhaw ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub ayaa dhinaca kalana ahaa guddoomiyaha guddiga Amniga Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka ayaa ku soo beegamaya xili ay ka socdaan magaalada Baydhabo rabashado xoog leh oo ay dhigayaan dad ka carreysan xarigga Mukhtaar Rooboow, waxaana guud ahaan magaalada ka soconaya rabashado ay dhigayaan taageerayaasha Waddaadka xiran.

Xaalada magaalada ayaa wali cakiran ciidamada ayaa la daalaa-dhacaya sidii ay u xakameyn lahaayeen rabshadaha iyo dibadbaxyada ay dhigayaan dadka oo qaarkood hub kala hortagaya ciidamada.

Wixii hadba ku soo kordha wararka Baydhabo kala soco Hiiraan Online

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]