Jimco, December, 14, 2018
(HOL)-Wali xiisad ayaa ka taagan
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dagaal culus oo maalintii shalay ka
dhacay bartamaha magaalada kaa oo ka dhashay xarigga Mukhtaar Rooboow
Abuu-Mansuur.
Magaalada ayaa wali kala xiran ma
jiro wax isku socod gaadiid ah ah
meelaha qaarna waxaa laga maqlayaa wali rasaas goosgoosa ah sida uu warbaahinta
gudaha u sheegay wariye ku sugan Baydhabo oo lagu magacaabo Sayid Cali.
Magaalada ayuu sheegay in ay wali
labo dhinac u kala xiran tahay oo ay ku kala sugan yihiin ciidamada maamulka
Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo taageerayaasha Mukhtaar
Rooboow oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.
Dadka qaar ayaa gur-yahooda Banaanka uga soo
bixin cabsidda ka taagan magaalada, xilli magaalada ay isku diyaariyaan in ay
howlgal ka fuliyaan ciidamada Booliska ee halkaasi ka howlgalla.
Wariyaha ayaa intaa ku daray in ay jiraan warar
ku saabsan in magaalada ay soo galayaan ciidamo cusub oo ka imanaya deegaannada
kale ee gobolka Bay kuwaa oo taageersan Waddaadka Mukhtaar Rooboow.
Inkastoo xiisadaasi ay ka jirto Baydhabo haddana
dhinaca kale waxaa ay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed
sheegeen in wali jadwalkii doorashada ee 19ka bishan waxba iska badali lana
qaban doono, laakiin dad badan ayaa arintaa shaki galinaya iyo doorashadu dhici
karto madaama Mukhtaar Rooboow uu ka mid ahaa musharixiinta xilkan u tartamaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]