Hiiraan Online
4/24/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Dhiggiisa Dawladda Qatar
Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.
Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo dhiggiisa Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.
Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani, ayaa kulanka ka sheegay in ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Qatar waxa uu ka qayb gelayaa shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo ay kasoo qayb gelayaan madax ka socota wadammo kala duwan.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]