4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Asad Cismaan: Waxaan Koonfurta Gaalkacyo u nimid ka qaybgalka nabadda Gaalkacayo iyo Midaynta Soomaaliweyne

Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Musharrax xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka,Asad Cismaan Cabdullaahi oo socdaal ku maraya gobolka Mudug ayaa maanta booqday koonfurta magaaladda Galkacayo ee maamulka Galmudug, halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Musharraxa iyo waftigiisa waxaa soo dhaweeyey  Gudoomiye ku- xigeenka degmada Galkacayo qaybta  Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Axmed, Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed, iyo mas’uuliin kale oo ay kamid ahaayeen nabadoonno, culuma’udiin Ganacsatada, aqoon-yahan, dhallinyaro iyo haweenka Galkacayo qaybta Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Galkacayo oo ugu horrayn ka hadlay munaasabada wuxuu sheegay in Asad Cismaan inuu yahay murashixii u horreeyay ee puntland ah oo soo booqda Galmudug, waxana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay musharaxnimadiisa .

Waxaa kaloo hadalo kala duwan ka soo jeediyay munaasabada waxgarad labada dhinac ee Gaalkacayo  ka kala socday, Waxayna isla garteen ahmiyadda ay leedahay ka shaqaynta sugidda amniga iyo nabad ku-wada-noolaansho labada shacab ee walalaha ah ee kukala nool waqooyiga iyo koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Gabagabadii xafladda waxaa ka hadlay murrashax madaxweyne Gen Asad Cismaan, waxaa uu uga mahad celiyay mas’uuliintii iyo shacabka Galmudug ee soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisii, wuxuu carabka ku adkeeyay ahmiyadda iyo qiimaha ay leedahay amniga iyo nabad kuwada noolaansha laba shacab ee walaalaha , wuxuu ballan qaaday inuu nabadgelyada labada deegaan ka shaqayn doono hadduu xilka ku guulaysto iyo haddii kalaba.

"Walaalayaal anniga iyo waftiga ila socda waxaan idiinku nimid ka qaybgalka nabadda Galkacayo iyo Midaynta Soomaaliweyne, annagu dad Soomaaliyeed baanu nahay  dad walaalo ah baanu nahay, dad isku mid ah, is dhalay, iska guursada, qaraabo iyo xigta ah, markaa waxaan idiinku nimid haddaanu ku guulaysano xilka iyo haddii kaleba inaanu mar walba ka shaqayno nabadda". ayuu yiri musharrax Asad.

Musharax Asad Cismaan Cabdullaah oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland Jannaayo 2019ka  ayaa shalay soo gaaray magaalada Galkacayo,isagoo si ballaaran oo aan loo kala harin loo soo dhaweeyay.

Iman Mohamed Jama
[email protected]