4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 13, 2018
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay xaalada magaalada Baydhabo

 

Khamiis, December, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo aan codkiisa la maqal tan iyo intii ay soo ifbaxday xiisada siyaasadeed ka dhalatay mooshinka ayaa ku baaqay in la dajiyo xaalada magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha magaalada Baydhabo in ay ka fogaadaan wax kasta oo colaad horseedi kara, isaga oo ka digayy dagaal kale oo ka dhaca magaalada, leys kuna dayo in wax walba loo maro hab nabadeed iyo wada hadal.

‘’Waxaa ugu baaqayaa odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo in ay xaalada dajiyaan, laga fogaado dagaal dhaca iyo dhiig danbe oo daadda, wixii maanta ka dhacay magaalada iyo qabashada Mukhtaar Rooboow waxaa lagala xisaabtamayaa ciddii arintaa ka danbeysay’’ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Dhinaca mar uu soo hadal qaaday arinta mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kala qeybsanaanta Baarlamaanka ayuu sheegay in wax walba lagu xalin doono Golaha dhaxdiisa.

‘’Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan is leeyhay waa dad doonaya in ay dhamaantood wax hagaajiyaan, ee ma’aha dad doonaya in ay wax qasaan, sidaa daraadeed wixii xal u baahan oo la xalin karo guud ahaan wey ka siman yihiin, marnaba uma arkayo in arin shaqo ku saabsan la siyaasadeeyo, waxaan leeyahay wax aan la xalin karin ma’aha’’ ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Mar la weydiiyay in uu ka soo guuray xaruntii madaxtooyada oo uu deganaa iyo waxa ka jira in halkaa lagu go’doomiyay ayuu ku gaabsaday ‘’ Arrimahaasi waqtiggooda waa la soo dhaafay.. wax dhib ah oo hadda I hayaa ma jiro’’

Wuxuu meesha ka saaray in marnaba madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ka wada hadleen xiisada siyaasadeed ee taagan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]