4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Madaxweynaha Eritrea oo maalinta berri ah booqasho immaandoon magaalada Muqdisho

 

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL) -Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaaran oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu horkacayo.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha Hiiraan Online ee magaalada Muqdisho Nuurra Maxamed Cali ayaa sheegay in aan la hubin in wafdiga maalinta berri ah uu qeyb ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Booqashada wafdiga ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo Labo cisho iyaga oo kulan la qaadan doona madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Socdaalkan ayaa imanaya xili uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxtooyada Soomaaliya kaddib mooshi laga keenay madaxweyne Farmaajo.

Lama oga in wafdiga la kulmi doonaan guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la sheegay in uu ka guuray xarunta madaxtooyada Soomaaliya isaga oo deegaan ka dhigtay hotel aan wax badan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]