4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-  Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed, ayaa maanta oo Arbaca ah kulan kula qaatay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya, Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sacuud.

Shirka ayaa looga hadlay ,sidii loo adkayn lahaa xiriirka Labada Dowladood, adkaynta ammaanka Gobolka Geeska Afrika, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay  Soomaaliya u horreyso.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa sidoo kulan la qaatay Wasiirrrada arrimaha dibedda ee Dalalka Masar, Jabuti, Suudaan iyo Yemen, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]