4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Deeqa Dhalac oo Soomaali Maraykana ayaa ku guulaystay Kursiga Golaha Dagaanka ee South Portland Gobolka.Maine USA



Dec 13 2018 (HOL)Deeqo Dhalac oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xalay oo talaado aheed ku guulaystay kursiga golaha dagaanka ee magaaladda South Portland ee gobolka Maine

Waxaa ay si aad ah uga guulaystay nin in mudo ah ku lahaa ganacsi magaaladdaa oo lagu magagacaabo Doland ,waxay deeqa heshay 1,418 cod  halka isna helay 700 oo cod.

Doorashadaan waxay aheed gaara( SpecialElaction) kadib markii nin hore u haayey uu iska casilay kursigaan ayeey deeqa iyo dad kale loolan adag u galeen doorashadan oo soo socotay ilaa bishii Sep 15 keedii oo kursigaan banaanaday.

Deeqa Dhalac ayaa noqonaysa Afrikaankii ama muslinkii ugu horeeyey ee laga doorto magaaladda South Portland, Mar aan xalay kula  xiriiray  Khadka Telefoonka guusheeda kadib ayeey ii sheegtay in ay aad ugu farxsan tahay guusha ay heshay mana filayn in aan intaas oo cod helayo ,waxay tiri dadka magaaladaan waxay I tuseen kalsooni aniguna si dhow baan ula shaqeen doonaa ,waxaan waydiiyey tirade dadka soomaalida ee magaaladdaa dagan waxay tiri waa ay ku yar yahiin ,lakiin magaalo  aad iigu dhow ayeey  si wayn u dagan yihiin dadka Soomaalida ah.

Waxay ii sheegtay deeqa inay dadaalkeeda aad ugu faraxsan tahay xitaa hadii laga guulaysan lahaa .

Mid ka mida madaxda magaaladda  ayaa jar’aadika magaalddaas South Portland u sheegtay in qiyaastii 560 qof ay hore u codeeyeen iyadoo tirade guud ee codbixiyaashu ahaayeen 2,118 oo qof ,deeqase waxay heshay codad aad u badan  sadax melood labo ayeey ka heshay codadkii magaaladdaa.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, MN