Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay
shaqaale Ajanabi ah oo la sheegay inay shaqada hayeen ay qaban karaan
muwaadiniinta Somaliland.
Saddexdan qof oo ka soo jeedda dalka Bakistaan
ayaa madaarka Hargeysa laga dhoofiyey, waxaana la sheegay in ay ka hor imanayso
xeerarka u yaala dalka oo ah in shaqo uu qof muwaadin qaban karo aan la keeni
karin qof ajanabi ah, waxaana looga digay shirkadaha iyo hay’adaha wadanka ku
sugan in aanay qof ajanabi ah oo shaqadiisa qof muwaadin ahi qaban karo aan
dalka la keenin.
“Waaxda shaqaalaha Ajanabiga ahi waxay sheegeen
in ogolaanshiyo ka haysan wasaaradda, waxa kale oo la cadeeyey inay hayaan shaqo
uu qaban karo qof muwaadin ahi, waaxda khilaafaadka shaqaalaha iyo loo
shaqeeyuhu wxuu soo gabogabeeyey in la siiyo wixii xaquuq ku lahaayeen qofkii
dalka keennay.”ayey tidhi Hinda Gandi wasiirka shaqogalinta iyo arrimaha
bulshada Somaliland.
Wasiirku waxa uu sheegay inay tahay go’aan
madaxweynaha ka soo baxay oo shaqaalaha Ajanabiga ah ee haya shaqada uu qaban
karo qof muwaadin ahi la mustaafurin doonno.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.