3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 12, 2018
Walxaha Qarxa oo lagu qabtay magalada Baydhabo

 

Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska halkaa ku qabteen gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xassan Maxamed Xusseen Eelaay ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga qaraxyada lagu soo raray lagu qabtay mid ka mid ah Koontaroolada laga soo galo magaalada isaga oo u mahad celiyay ciidamada qabtay gaariga.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in walxahan qaraxa ujeedadu aheyd lagu dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay shacabka reer Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa 19-ka Bishan isku diyaarinaysa qabsoomida doorasho ka dhacda magaalada Baydhabo ,iyadoo si wayn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/12/2018 1:32 PM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar-garoow ballaaran oo loogu jiro soo dhaweynta madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu horkacayo.

12/12/2018 9:01 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed, ayaa maanta oo Arbaca ah kulan kula qaatay Caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, Boqorka Dalka Sacuudi Carabiya, Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sacuud.

12/12/2018 8:58 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Heshiis lagu horumarinayo beeraha iyo waraabka ayaa waxaa maanta ku wada saxiixday magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha & Waraabka XFS Mudane Saciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda Horumarinta talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot .

12/12/2018 8:50 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.

12/12/2018 8:19 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Asad Cismaan Cabdullaahi , oo ka mid ah tobonnaan musharrax oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo , wuxuu ballanqaadyo waa weyn u sameeyay kumannaan ruux oo shacab ah oo ku soo dhaweeyay xarunta gobolka Mudug.

12/12/2018 5:20 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)-Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay in 09kii bishan uu qabtay sida uu hadalka u dhigay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya

12/12/2018 2:42 AM EST
Deeqo Dhalac oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa xalay oo talaado aheed ku guulaystay kursiga golaha dagaanka ee South Portland ee gobolka Maine ,Waxay si aad ah uga guulaystay nin in mudo ah ku lahaa ganacsi magaaladdaa oo lagu magagacaabo ,waxay deeqa heshay 1,418 cod halka Rolando helay 700 oo cod.

12/12/2018 1:39 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Xukuumadda Somaliland ayaa dalka ka mustaafurisay shaqaale Ajanabi ah oo la sheegay inay shaqada hayeen ay qaban karaan muwaadiniinta Somaliland.

12/12/2018 1:06 AM EST
Arbaco, December, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood oo Kalluumeysi, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame.