4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Kulan sagootin ah u sameeyay Wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliin sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Cabdullaahi Goodax Bare ayaa kulan sagootin ah ugu Sameeyay magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeynka Jaamacadda Africa ee ku taalla dalka Suudaan.

Kulanka sagootinta loogu sameynayay Gudoomiya ku Xigeynka Jaamacadda Africa ee Dalka Suudaan ayaa waxaa joob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gudoomiyaha jaamacadda ummadda Maxamed Axmed Jimcaale,Guddoomiyaasha Jaamacadaha Muqdisho, Simad iyo marti sharafkale oo lagu casumay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii leesaga kaashan lahaa kor u Qaadista waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada,Cabdullaahi Goodax Bare ayaa dowladda Suudaan ugu mahad celiyay sida markasta ay u garab taagantahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

"Dowladda Suudaan waxay  ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho  siiyay dalkeenna, xaiirka ka dhaxeya labada dal ee Soomaaliya iyo Suudaan waxa ay leeyihiin xiriir qoto dheer, oo ku saabsan  dhaqanka iyo diinta, dowladda Suudaan iyo shacabkeeda markii ay baahida dhabta ay jirtay waxa ay natusiyeen in ay garabkeena taagan yihiin mana ilaabi doono, doono". sidaasi waxaa yiri Wasiirka waxbarashada ,Cabdullaahi Goodax Bare.

Guddoomiyaha Jamacadda Africa ee dalka Suudaan ayaa ka hadlay horumarinta dhanka waxbarashada oo ay ku talaabsatay Dowladda Soomaliya waxa uuna sheegay in ay xoojin doonaan kor u qaadista waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]