4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2018
Hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo booqanaya Muqdisho

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)- Booqashadii ugu horreeysay oo wadajir ah ayaa lagu wadaa inay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku tagaan hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Eritrea , sida laga soo xigtay ilo xogo-gaal ah oo ku dhow Villa Somalia.

Warar horu-dhac ayaa sheegay inay Arbacada berri ah soo gaari doonan Muqdisho, ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hoggaamiyaha Eritrea,Isaias Afwerki , wararka ayaa inta ku daraya in booqashadan ay daba socoto kulammadii saddex geesoodka ahaa ee madaxda dalalkan ay yeelanayeen bilihii la soo dhaafay.

Hoggaamiyayaasha oo u ku jira madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay ugu shiray Itoobiya iyo Eritrea ,iyadoo shirkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Gondor ee dalka  Itoobiya  lagu go'aamiyay in kan xiga lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa  kulammadii hore ka soo saaray inay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid yihiin iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin booqashada la filayo inay hoggaamiyayaasha ku soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Balse, booqashada hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea  ee magaalada Muqdisho ayaa ku aadday xilli madaxweynaha Soomaaliya uu wajahayo culeys uga imaanaya Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood ka gudbiyay mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado, wallow xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu maanta baahiyay inuu burey mooshinka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]