4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Albaabkii weynaa ee Villa Somalia oo xiran iyo Gaadiidka oo laga mamnuucay in ay galaan

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–  Ciidamada ilaalada Villa Somalia waxaa ay dib u celinayaan gaadiidkii gali jiray madaxtooyada oo ay wateen shaqaalaha xarunta, kuwa dowladda, iyo xildhibaanada, marka laga reebo tiro yar oo heysta fasax gaar ah.

Mamnuucidan ayaa timid ka dib qoraal ka soo baxay agaasinka Madaxtooyada Aamina kaasi oo lagu soo bandhigay hay'adaha gawaaridooda loo ogol yahay iney ka gudbaan Gate-1oo ah albaabka weyn ee Madaxtooyada.

 
“Laga bilaabo 11-12-2018 oo maanta ah  illaa 20-12-2018 waxaa mamnuuc ah iney gaadiidka ka soo gudbaan albaabka Gate-1 marka laga reebo gaadiidka fasaxa gaarka ah heysta oo kala ah

v Xafiiska raisul Wasaaraha=shan gaari

v Guddoonka Baarlamanka=afar gaari

v Xafiiska hanti-dhowrka guud=sadex gaari

v Gudiga doorashooyinka Qaranka=sadex gaari

v Guddiga xuduudaha Qaranka=labo gaari

v Wasaarada arrimaha dastuurka=labo gaari

v Guddiga xalinta khilaafaadka=labo gaari.

Qaar ka mid ah Wasaaradaha, Talisyada Ciidamada ammaanka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanada baarlamanka ayaa laga reebay hay'adaha gaadiidkooda loo ogol yahay in ay gudaha u galaan madaxtooyada.

Go’aankan  ayaa saameyn muuqata ku yeeshay shaqaalihii u shaqo tagi jiray Villa Somalia, Kuwaasi oo culeys badan kala kumaya halka ay dhigayaan gaadiidka ay wataan iyagoo qaba wal wal dhinaca ammaanka ah.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya  in talaabada ujeedka laga leeyahay ay tahay  in madaxtooyada lagu go’doomiyo gudoomiyaha Golaha shacabka oo degan dhismaha xarunta villa Hargeysa oo ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale galinkii dambe ee shalay war qoraal ah oo ay ku wada saxiixnaayeen labada Guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka ayay ku sheegeen in aan gabi ahaanba lagu shiri karin xarunta villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan Golaha shacabka guddiyadooda.

Talaabadan iyo go’aamadan iska daba imanaya ayaa u muuqda kuwo xiriir la leh xaalada mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo ee Xildhibaanada qaar u gudbyeen Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal.

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]