4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Dibadbaxyo dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay magaalada Baydhabo

 

Talaado, December, 11, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ilaa saddex ruux ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo ballaaran oo loogu soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Dibadbaxyadan oo ahaa kuwo lagu taageerayay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, dhinaca kale-na taageero loogu muujinayay guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadkii isku soo baxay waxaa rasaas ku furay ciidamo ka tirsan Booliiska ee ku sugan magaalada Baydhabo, taasoo keentay in ay ku dhaawacmeen ilaa saddex ruux oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa dhigayay.

Dibadbaxayaasha oo markii danbe isugu soo baxay fagaaraha Afar Irdoodka ayaa waxaa la hadlay odayaal iyo waxgarad sheegay in ay taageersan yihiin mowqifka xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha Farmaajo.

Waa dibadbaxii ugu horeeyay ee ka dhaca meel ka baxsan caasimada oo loogu soo horjeedo madaxweynaha tan iyo markii uu soo ifbaxay warka ku saabsan mooshinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]