Talaado, December, 11, 2018 (HOL)– Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka laabtay dacwad ka dhan ah madaxweynaha Puntland , taas oo salka ku haysay magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay.
Camey ayaa dacwada u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland, balse qoraal ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka ka tanaasulay dacwada.
Ma cadda in labada hoggaamiye ay ka heshiiyeen khilaafka dhextaagna ee la xiriiray magacaabiista guddiga xallinta khilaafaadka, mana jirto ilaa hadda wax faahfaahin ah oo u bixiyay madaxweyne ku-xigeenka.
Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee u magacaabay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa hadda howlahooda lagu wadaa inay billaabaan, xilli doorashada ay ka dhimantahay waqti koobaan.
Hoos ka akhri qoraalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland;
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]