Talaado, December, 11, 2018 (HOL)-Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta ay markii ugu horreysay muddo 30 sano ah si daahfuran u bixiso shatiyo kalluumeysi oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeedo dalka Shiinaha.
Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda,
Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa maanta saxiixi doonaa shatiyadaasi
oo la siin doono iskaashatada COFA ee dalka Shiinaha oo
ah 32 (Shati).
Hal milyan oo Doolar-ka Mareykanka ah ayaa lagu bixiyey 32-da shati ee ay wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda
saxiixday.
Shatiyada inla bixiyo waxaa fududeeyey heshiis 10-kii bishii Febraayo ku dhexmaray magaalada Muqdisho oo
ka dheexayey sida loo kala leeyahay shaqada iyo in dowladda
dhexe ay leedahay awoodda bixinta shatiyada kalluunka.
Lacagta oo si toos ah ugu dhici doonto Bangiga Dhexe lama bixin doono ilaa laga heshiiyo qeybsiga kheyraadka dalka
Soomaaliya, sida ay dowladda sheegtay.
Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda waxa ay Iskaashatada COFA u saxiixday inay
la bixi karto kalluunka Tuna oo kaliya ah.
Xigashada Warka BBC