4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Musharrax Saciid Deni "Aniga waxaa ahay qof fahmaya Baahida jirta, waxaa u taaganahay dhismaha iyo Horumarinta Dekadda Garacad"

Talaado, December, 11, 2018 (HOL)– Musharraxa xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019-ka,mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa kulan qado sharaf la qaatay nabadoonnada,waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Gaalkacyo.

"Inta halkaan joogto anaa ugu weyn 90 sano ayaa jiraa Waxaa ku soo dhaweeneynaa Musharraxa Wanaag, Sharaf iyo midnimo, Dadka Sumado iyo Macno ayuu kala leeyahay Anigoo ku hadlayo Afka reer Mudug waa naga dhab". ayuu yiri Nabadoon Cabdullaahi Ciise Ciiro oo kulanka qado Sharafta ka hadlay.

Nabadoon Gorod Faarax Xasan ayaa ku dheeraaday qiimaha iyo wanaaga uu leeyahay musharrax Saciid Deni waxa uuna meesha ka saaray hadal si qaldan loo fasiray, isagoo caddeeyey in dhaqaalaha ka soo baxa Puntland lagu dhiso meelo ka baxsan Puntland.

Aqoon-yahan Mahad Jebiye oo ka mid ah wafdiga Musharrax Deni ayaa sheegay in sahan badan kaddib hoggaaminta Puntland ay u baahantahay musharrax Saciid Deni.

Musharrax Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn ugu mahadceliyey sida milgaha leh ee loo soo dhaweeyey, waxa uu sheegay in gobolka Mudug wax badan u qabtay xilli dadka hadda tartanka ku jira ay dibadaha ku noolaayeen "Aniga waxaa ahay qof fahmaya baahida jirta, waxaa hortiina ka caddeenayaa in aan u taaganahay dhismaha iyo Horumarinta Dekadda Garacad iyo Kastamka Tuurdibi Shacabka ayaa howshaas qabsaday Waxba kuma darsan Cabdiweli Gaas, Aniga waad Ogtihiin wixii aan soo qabtay wey cadyihiin sidii iyo si ka fiican ayaa idin ku Shaqeenayaa ee Niyadiina galiya in aan diyaar idin ahay".....

Musharrax Deni ayaa ku dheeraaday Amni nabadgalyada magaalada Gaalkacyo, waxa uu sheegay in uu wax badan ka qaban doono mudnaantana siin doono sidii nagaalada u noqon laheyd mid leh ammaan la isku haleyn karo oo aan si fudud loo dilin haldoorka.

Gabagabadii, musharrax Saciid Deni ayaa taageerro ka helay shacabka iyo waxgaradka gobolka Mudug, sida ay ka sheegeen kulanka uu la qaatay,waxaana socdaalka gobolka Mudug uu qayb ka yahay socdaal uu musharraxa iyo wafdiga uu hoggaaminayo ku marayeen gobollada Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]