4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 11, 2018
Xubno horudhac u ah wafdi uu hogaamin doono Kheyre oo ku wajahan dalka qadar

 

Talaado, December, 11. 2018 (HOL)-Xubno ka mid ahxafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa si horudhac ah ugu wajahan magaalada Doha ee caasimadda Qatar. 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Caasimadda Qatar ee Doha uu ka furmi doono shirka Doha form oo ay ka qeyb gali doonaan Wadamo iyo Madax kala duwan, Soomaaliya waxaa uga qeyb gali doona Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wali si faah faahsan warbaahinta loolama wadaagin rasmi ahaan qodobada sida gaarka ah shirkaasi loogu eegi doono., Balse Kheyre ayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay waxaa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Sidoo kale waxaa macquul ah inta Wafdiga  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku sugan yihiin Doha in ay la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Dhinaca kale Agaasimihii hore madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yasin hadana ah taliye ku-xigeenka NISA ayaa wararka aan heyno ay sheegayaan in uu ku sugan dalkaasi Qatar lamina xaqiijin in uu ka qeyb gali doono shirka ka furmi doono Doha.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan ayaad kala socon doontaa Insha Allah. 

Nurre Mohamed Ali ,Hiiraan Online
[email protected]