Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka ka dhanka madaxweyne Farmaajo oo sii xoogeysanaya
Talaado, December, 11, 2018 (HOL)–Iyadoo wali ay taagan tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo ifbaxaya eedeymo culus oo qaar ka mid ah xildhibaannadu soo jeedinayaan
Xildhibaan Cabdixakiin Macalin
Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka kana mid ahaa tiro xildhibaanno
ah oo xalay gurigiisa ugu tagay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’doomintii
ugu dareyd la saaray sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha iyo ciidamada
ilaalada ka haya ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.
‘’Guddoomiyaha gurigiisa markii
aan tagnay waxaa ogaanay in xitaa laga jirtay Biyihii iyo cunnadii taasoo go’doomin
lagu galinayo isaga iyo ciidamada xoogga dalka ee ilaalada ka haya’’ ayuu yiri
xildhibaanka.
Maalintii shalay ayeey ahey
markii xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka
Soomaaliya uu meel fagaaro ah ka sheegay in guddoomiyuhu xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya.
Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirmeysa,
tan iyo wixii ka dambeeyay markii shalay Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne
Farmaajo, waxaana muuqata in mooshinkaas uu kala jebiyay guddoonka iyo xildhibaanada
oo haatan labo garab u qeybsan.
Laakiin wali arintan kama aysan hadlin madaxda
ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo xitaan guddoomiyaha
Golaha Shacabka oo aan wali la wadaagin warbaahinta qalalaasan siyaasadeed ee
ka dhashay mooshinka laga keenay madaxweynaha.
Dadweyne ka careysanaa mooshinka oo shalay isugu
soo baxay dariiq-yada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in
mar kale dalka la galiyo fowdo siyaasadeed iyo taageero u muujinaya
madaxweynaha dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]