4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Ku-xigeennada Golaha Shacabka oo soo saaray awaamiir cusub

 

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)- Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo goor dhaw warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa awaamiir cusub ka soo saaray xarunta Golaha Shacabka iyo iaalinta hantida iyo miisaaniyda Golaha.

Qoraalka ka soo baxay ku-xigeennada guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in wqtigan baarlamaanku wajahayo khilaaf Dastuuri ah sidaa daraadeed looga baahan yahay guud ahaanba howl-wadeennada Golaha Shacabka in aysan ku dhax milmin khilaafka u dhaxeeya guddoonka sare ee Golaha.

Wuxuu sheegay in howlwadeennada xarunta Golaha Shacabka iyo laamaha kala duwan ee nabad-galyada la farayo in laga digtooonnado in xarunta Golaha loo isticmaalo khilaafka ka jira, islamarkaana ku shiri karin xildhibaannada iska soo horjeeda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hoolka Xarunta Villa Hargeysa aanay ku shiri karin Xildhibaanada kala aragti duwan, laakiin waxaa uu sheegay in Golaha oo ay u siman yihiin dhamaanba xildhibaannada balse aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed oo gaar ah.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo qoraalkan akhriyay ayaa sheegay in  uusan waxba iska badalin go'aankii lagu kala diray guddiga Maaliyada iyo Miisaaniyada Golaha Shacabka, dhawaanna la soo dhisi doono sida uu hadalka u dhigay guddi cusub.

Waxaa uu xusay in ay diyaar u yihiin in ay Gudoomiyaha Golaha ay kala heshiiyaan dhismaha Guddiga Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo horay looga kala diray.

Go’aanka Guddoomiye kuxigeenada ayaa u muuqda mid ay ku  go’doominayaan awooda Guddoomiyaha u leeyahay inuu ku maamulo  Baarlamaanka iyo Miisaaniyadda Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]