4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Jordan

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed oo ku sugan dalka Jordan ayaa kulan la qaatay boqorka dalkaasi, Boqor Cabdalla.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka iyo boqorka dalka Jordan ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladooda,iyadoo boqorka dalkaas uu boggaadiyay horumarka ballaaran iyo soo kabashada baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tillaabsanayso, waxa uuna ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqaynayaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya iyo Jordan ay lahaayeen waligood xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinimo iyo is-xitiraam, haddana ay muhiim tahay in la xoojiyo.

Mudane Mahdi  ayaa sidoo kale la kulmay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka Bini’aadninimada iyo qaar kamid saraakiisha ciidanka dalka Jodran.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Jordan u tegay ka qayb galka shir looga hadlayo dagaalka loogu jiro yaranta ficillada argagaxisada iyo fikirka xagjirka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]