4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Xildhibaan Khaliif '' Guddoomiye Mursal madaxtooyada ayuu xabsi guri ku yahay

 

Isniin, December, 10, 2018 (HOL)-Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan xabsi guri ku yahay madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeynayay hoggaamiyaha xisbigga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, waxaa uu sheegay in loo diiday iyaga oo ah xildhibanno dhowr ah in ay u tagaan guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ma sheegin cidda ka dhigtay xabsi guriga iyo sababaha  looga dhigay,mana jiro war kasoo baxay Gudoomiye Mursal oo arintaan  xaqiijinaya.

Guddoomiye Mursal ayaa degan guriga Martida Madaxtooyada halkaa oo uu degenaa tan iyo markii loo  doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, hase ahaatee waxaa uu  Xafiiskiisa ahaa Villa Hargeysa oo ku dhegan Madaxtooyada.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii uu guddoomiyuhu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta gilgilay dibadbaxyo looga soo horjeedo mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo, waxaana ay dibadbaxayaashu socod ku mareen qeybaha kala duwan ee magaalada iyaga oo ku qeylinaya erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]