4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
RW ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay xoghayaha Amniga gudaha dalka Mareykanka

 

Isniin, December, 10, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa dalka Jordan kula kulmay xoghayaha amniga gudaha Maraykanka, Kirstjen Nielsen.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo xoghayaha amniga gudaha Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimaha khuseeya labada dal gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo taageerada dawladda Maray-kanka ee dib-u-habaynta ciidaanka.

“Waxaa si guul ah noogu soo idlaaday shirkii uu marti geliyay boqorka Jordan iskaashiga caalamka ee la dagaalanka Al-shabaab”, ayuu yiri RW ku-xigeenka Soomaaliya

Kulanka Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]