4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2018
Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka oo ka hor yimid mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo

 

Isniin, December, 10, 2018 (HOL) –Labada guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid mooshinkii laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Fasrmajo.

Guddoomiye ku-xigeennka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay mooshinka, isaga oo intaa ku daray in guddoomiye Mursal uu qabtay mooshinka isaga oo xanaaqsan sida uu hadalka u dhigay.

‘’Waa arin dhib badan dalka dib u dhac u keeni karta, guddoomiyaha marka la eego sida uu ugu deg degay in uu qabto mooshinka waxey noola muuqatay in uu xanaaqsanaa , ma garaneynno sababta uu u xanaaqsanaa’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad ayaa dhankiisa mooshinka ku sheegay sharci darro, isaga oo intaa ku daray in cawaaqibka ka dhashay uu qaadi doono sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Mursal.

“Cawaaqib xumada ka dhalata mooshinka uu aqbalay Guddoomiye Mursal isaga oo ogsoon in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah wixii ka yimaado isagaa mas’uul ka ah oo og halka uu la aadayo”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo sida ay hadalka u dhiggeen uu ku xadgudubay madaxweynaha taasoo keentay in ay mooshin xil ka qaadis ah ka keenaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]