Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka oo ka hor yimid mooshinka laga keenay madaxweyne Farmaajo
Isniin, December, 10, 2018 (HOL) –Labada
guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid
mooshinkii laga keenay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Fasrmajo.
Guddoomiye ku-xigeennka 1aad ee
Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay
mooshinka, isaga oo intaa ku daray in guddoomiye Mursal uu qabtay mooshinka
isaga oo xanaaqsan sida uu hadalka u dhigay.
‘’Waa arin dhib badan dalka dib u dhac u keeni karta,
guddoomiyaha marka la eego sida uu ugu deg degay in uu qabto mooshinka waxey
noola muuqatay in uu xanaaqsanaa , ma garaneynno sababta uu u xanaaqsanaa’’
ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad
ayaa dhankiisa mooshinka ku sheegay sharci darro, isaga oo intaa ku daray in
cawaaqibka ka dhashay uu qaadi doono sida uu hadalka u dhigay guddoomiye
Mursal.
“Cawaaqib xumada ka dhalata mooshinka uu aqbalay
Guddoomiye Mursal isaga oo ogsoon in aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah wixii ka
yimaado isagaa mas’uul ka ah oo og halka uu la aadayo”ayuu yiri Gudoomiye ku
xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaannada mooshinka ka keenay madaxweynaha
ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo sida ay hadalka u dhiggeen uu ku
xadgudubay madaxweynaha taasoo keentay in ay mooshin xil ka qaadis ah ka
keenaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]