Marekanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay dagaalyahanno ka tirsan al-Shabaab


Sabti, December, 01, 2018 (HOL) – Diyaaradaha dagaalka ee Marekanka ayaa duqeyn ku dilay ugu yaraan sagaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda al-Shabaab, sida laga soo xigtay warsaxaafadeed uu baahiyay taliska Marekanka ee Afrika.

newsinsideDuqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Lebede ee gobolka Baay,  hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegay inuu yahay deegaanka Buur Gaalway oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba.

Warsaxaafadeedka taliska Marekanka ee Afrika uu baahiyay ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray rayidka, iyadoo duqeyntan ay naqoneyso tii 37aad oo Mareykanka ka fuliyo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]