4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 1 , 2018
Taliyihii hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Puntland Jen. Asad Cismaan oo isku soo sharraxay xilka madaxweynaha Puntland

Sabti, December, 01, 2018 (HOL) – Taliyihii ugu sarreeyay ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Puntland ee PSF,Jen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa magaalada Boosaaso maanta kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Puntland, doorashada dhacaysa horraanka sannadka 2019.

Xafladda uu ku shaaciyay musharraxnimadiisa Jen. Asad Cismaan  , waxaa ka qaybgalay Siyaasiyiin, Culuma’udiin, Ganacsato, Aqoonyahano, Abawaano, Haween, dhalinyaro  iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  reer Puntland oo isaga yimid dhammaan goboladda Puntland.

Khudbad dheer oo dhinacyo badan uu ku taabtay, ayuu ku soo bandhigay sababaha ku kulifay inuu isu soo sharaxo madaxtinimada Puntland, khibradiisa Ciidan iyo waayo-aragnimadiisa, xaaladaha kala duwan ee ka jira dalka iyo qayb kooban oo uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa siyaasadeed.

"Farriimo badan oo dadwaynaha iiga imanaysay oo ay igaga codsanayaan inaan jagadaan isu soo taago ayaa isoo gaarayay bilihii u dambeeyay ee la soo dhaafay. Waxaad ogtihiin in aanan ahayn qof jecel sawir iyo ha lagaa sheego, ama u xiiqsan xil iyo jago raadin, oo runtii ah mid aan u arko amaano culays badan, xisaab adduun iyo mid aakhirona wadata. Ha yeeshee waxaan ka fursan waayay tixgalinta codsiga bulshadeenna sharafta leh, mar haddii ay kalsoonidaas iyo taageeradaas baaxadda leh ii muujiyeen; waxaana leeyahay codsigiinna waan aqbalnay, mahadsanidiin….. Guulaysta".  ayuu yiri.

Waxa uu inta ku daray isagoo ka hadlay dhibaatooyinka bulshada ragaadiyay sida musuqmaasuqa iyo faqriga, waxaana uu yiri "Waxaan aaminsanahay la-dagaalanka musuqa, argagixisada,faqriga iyo wixii la midka ah, waxaa kaliya ee aan uga guulaysan karnana wa markaan samaysanno garsoor cadaalad ah oo kan maskiinka ah xaqiisa u dhiciya, kan dulmiga wadana gacan bir ah ku qabta; waa taas wadada aan ku gaari karno horumarka iyo baraaraha, waana nuxurka xadiiskii nabiga NNKH ee ahaa u hiilli walaalkaa hadduu wax dulmiyay iyo haddii isaga la dulmiyayba. (انصرأخاك ظالما اومظلوما)... "Labada qolo oo ay ii saarantahay calaamadda cas oo aan marnaba heshiin karin waa: muqsuqa ragaadiyay hay'adaha dowladda oo aan u aqaan cadowga aan muuqan iyo cadowga dhul-boobka ah iyo argagixisada".

"Haddii alle igu guuleeyo argagixiso heli mayso geed qariya ama god ay ku dhuumato; ganacsato caga juglayn iyo cabsigalin ay baad lacag uga aruursan doonaanna jiri mayso; taako Puntland dhulkeeda ah oo gacan cadow Somaali-diid ah ku sii jiri doontana ma jiri doonto, taasna waa sababta qaybta hore ee halku dhiggeenna uu u yahay (Difaac)". ayuu ku daray.

Jen. Asad ayaa sidoo kale, sheegay inuu talada ballaarin doono haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee u raadinnayo ,isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yiri "Haddii alle ii garto hoggaanka Puntland, talada dalka noqon mayso mid aniga oo madaxwayne ah iga billaabata iguna dhamaata, waxaan dhidibbada u adkayn doonnaa hay’adaha dowladda annagoo shaqadooda u fududayn doonna, hawl gudashadoodana u madax bannanayn doonno; taasina waa sababta qaybta dambe ee hal ku dhiggayaga aan uga dhigannay (Dowladnimo)".

Gabagabadii Musharax Asad Cismaan Diyaano  wuxuu ballanqaaday in barnaamijkiisa siyaasadeed oo dhamaystiran oo faahfaasan la wadaagi doono bulshada reer Puntland maalmaha soo socda, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inuu diirada ku saari doono Amniga iyo dib u dhiska ciidanka, horumarinta dhaqaalaha, kobcinta wax soo saarka iyo dhiirrigalinta maalgashiga.

"Waxaan kaloo faahfaahin doonaa Qorshayaashayda ku aadan xoojinta dowlad  wadaaga iyo garsoorka, waxaan kaloo ka shaqayn doonaa arrimaha bulshada sida caafimaad, waxbarashada, biyaha iyo korontada, sidoo kale waxaan shaqo abuur u samayn doonaa dhalinayrada, Qorshaha haweenka ayaa ka mid ah barnaamijkayga siyaasadeed".

Munaasabadda shaacinta musharraxnimo ee musharrax Asad Cismaan Cabdullaahi waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin isugu jiray Siyaasiyiin u tartamayo doorashada, Generaalo ka tirsanaa ciidamada Soomaaliya, aqoonyahano, Culuma’udiin, Madaxda Ururo bulsho, Haween, nabadoono, cuqaal iyo  dad kale oo bulshada hormuudkeeda ah, waxay dhammaantood soo dhaweeyeen musharaxnimada Jeneral Asad Cismaan.

Musharraxa ayaa muddo ka badan toban sanno hoggaaminayay ciidanka PSF,wuxuuna khibrad u leeyahay arrimaha ciidammada,waxaana ay dad badan ku taageerrayaan inay fursad u tahay ciidanka Puntland haddii uu xilka uu raadinayo Jeneraalka da'yarka ah uu ku guuleysto.

Ka hor munaasabadda maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, dad badan muuqaalka iyo sawirka musharrax Asad Cismaan, ma aysan haysan,waxaana toddobaadyadii u dambeeyay aad loo hadal hayay soo muuqashada musharraxa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]