Madaxweynaha Somaliland oo weerarray siyaasada madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Sabti, December, 01, 2018 (HOL)– Madaxweyne
Muuse Biixi ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay golaha wasiirada Soomaaliya
iyo madaxweynaha Soomaaliya oo ay sheegeen inay dib u furayaan wada hadalkii
Somaliland iyo Sooomaaliay u dhexeeyey oo ay doona-yaan in ay dalka dib u
mideeyaan.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Madaxweyne
Farmaajo uu marayo jidkiii uu maraya Maxamed Siyaad Bare ee 1988 kii uu ula
heshiiyey Itoobiya si jabhadii ku kacsanaa loo soo xareeyo.
“Golaha wasiiradda Soomaaliya waxay yidhaahdeen
wada hadaladii dib soomaaliya loogu midaynayey ayaa la anboqaadayaaa, mar
hadii aan Gu’mooyee garaad kuu kordheen waa mushkilad. Qolada Xamar ku
shiraysay waxaan leeyahay sodan sanno oo heegan, dood muran ahaa, toban sanno
oo halgan hubaysan ahaa iyo 27 sanno oo Somaliland xor ahayd ninka maanta yidhi
Somaliland baanu dib soomaaliya ugu soo celinaynaa dee caqli ma leh.”ayuu yidhi
Biixi.
Mar uu ka hadlayey hadal ka soo yeedhay Farmaajo
waxa uu yidhi “madaxweynahoodu wuu hadlo wuxuu yidhi kolba qoladii
sooomaaliya neceb baa cadowga u tagoo hub ay soomaaliya ku kala jarayaan usoo
qaata, aad iyo aad baan ula yaabay caqli gaabnida nin dhan ee madaxweyne ah,
waxa uu ka fikiraa wadadii uu Siyaad Bare ka fikireyy 1988 kii, wakhtigaasi
markii jabhadii SSDF, SNM iyo SPU markii dimuqraadiyad ka wayday ayey qoriga
qaateen, markaasu u tagay Mingiste oo uu ku yidhi waxaad doonto waan ku
saxeexayaye jabhadaha isoo xaree, isagoo Adddis ababa ku wada caweynaya ayey
SNM dalka soo gashay oo ay xoreysay, ma maantaad leedahay soomaali waan
midaynaya miyaad dadka waraysatid hadii aanad taariikhda hayn, soomaali
dhaqanka , dint aiyo afka way ka midaysan tahay laakiin maamulkay ku kala duwan
tahay.”
“Soodigan dadkii mucaaradka ahaa ku laynaya
guryahoodii, Xamar baa garaacaysa oo cadow u soo kireysanaysa kii kula hadla,
adigoo ajanabi ku ilaaliyaad soo bu’aysaa”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in aanay dib ula
hadleen hadii aanay garwaaqsan madax banaanida Somaliland, isla markaana mag
dhow ka bixin wixii dawladii hore ee Soomaaliya ku samaysay shacabka
Somaliland.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.