Sabti, December, 01, 2018 (HOL)–Kulanka maanta ee
Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka ee
Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista iyo
su’aalo weydiin Hindise-Sharciyeedka la dagaalanka musuq- maasuqa, iyadoo uu
goobjoog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Senatara-da oo Aragtidooda ka
dhiibtay hindise-Sharciyeedka la dagaalanka usuq-maasuqa ayaa sheegay in
qodobada qaar muhiim tahay in wax ka badel lagu sameeyo.
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta
,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam
Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay
senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Xassan Xusseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay Guddiga Garsoorka Golaha
Aqalka sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise-sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka
ah ee senatarada soo jeedinayeen.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka
soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanaya guddiga
laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku
raacay.
Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa
ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya,iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka
Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]