4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 1 , 2018
Hoggaamiyaha Jabhada ONLF oo siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa

 

Sabti, December, 01, 2018 (HOL) – Waxaa magaalada Addis Ababa lagu soo dhaweeyay oo maanta gaaray wafdi uu horkacayo guddoomiyaha ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Wafdiga guddoomiyaha waxaa soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida oo uu kamid yahay wasiirka maaliyadda , madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, mas'uuliyiin ka socotay dalka Kenya, dad shacab ah iyo odeyaasha dhaqanka.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in halgankooda ay si nabadgelyo ah kusii wadi doonaan isla markaasna uu ku rajaweyn yahay in shacabka ay nabadda ka shaqayn doonaan.

Wuxuuna sidoo kale ka dhaawjiyay inuu u kici doono Dowlad Deegaanka Soomaalida soo dhaweynta kaddib.

Wafdigan ayaa la filaya in maalinka berito ah ay gaaraan magaalada Jigjiga,Waxaana waddooyinka magaalada Jigjiga lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

 

Dhawaan ayay aheyd markii boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee jabhadda ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labo diyaaradood oo siday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaaray Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas`uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]