4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 1 , 2018
Difaacayaasha xuquuqda aadanaha Somaliland oo ka soo horjeestay xeerka booliska ee golaha Wakiiladdu ansixiyeen

 

Sabti, December, 01, 2018 (HOL) - Difaaca-yaasha xaquuqda Aadanaha Somaliland ayaa xildhibaanada golaha Wakiilada ku eedeeyey in xeerka Booliska ka saareen in booliska laga dacween karo maxkamad shacabka, isla markaana ka dhigeen in qofkii ka cawda dhibaato boolisku u gaysteen isla iyaga uun looga dacwooddo .

Xeerkan booliska oo muddo badan horyaallay golaha Wakiilada ayaa wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen u gudbiyeen golaha Guurtida, haseyeeshee waxa difaacayaasha xuquuqda aadanaha Somaliland ku tilmaameen xeerkaasi mid ka hor imanaya xuquuqda shacabka hadii dhibaato ka soo gaadho booliska,isla markaana qofka shacabka ee ka cabanaya ay wakhti ku qaadanayso dacwadooda marka booliskii laga cabanayey loo soo dacwoodo.

“Golaha wakiilada maaha kuwo dadka u naxay meesha way ku raageen oo waxay joogaan 13 sanno, waxaanay arrintani cadaynaysaa in shacabkiiyo iyo golihii wakiiladu isku xidhnayn, waa nimanka ansixinaya in boolisku yahay sida militariga oo maxkamada militariga lagaga caban karo wixii ay dhibaato sameeyaan.”ayuu yidhi gudoomiyaha xuquuqda aadanaha Somaliland GUuleed Dafac.

Waxaanu intaas ku daray “Xeerkan waxa loo ansixyey sida xukuumadda iyo booblisku doonayeen , xeerkan waxa la saxeexay 2017 ilaa maantana lama dhaqan galin sababtuna waxa weeyi haddii islaanta khudra banaanka ku iibinaysaa nin boolis ahi miiska ka laago si aanay u helin meel ay ka dacwooto ayaa sidan loo sameeyey, waxaanu doonaynaa in hooyadaasi hesho meel looga caban karo booliska hadii dhibaato u gaystaan”.

Difaacayaasha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si weyn uga soo horjeestay meel marinta xeerkaasi booliska oo ay ku sheegeen in aanay shacabku haysan meel ay uga dacwoodan hadii boolisku dhibaato ka soo gaadho, waxaanay sheegeen inay golaha Guurtida uga caban doonaan xeerkaasi in dib loo soo celiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.