Madaxweyne Biixi oo laba toddobaad oo uu ku maqnaa gobolada bariga dib ugu soo noqday Hargeysa
Sabti, December, 01, 2018 (HOL) -Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada
Hargeysa ka dib markii safar 14 cisho ah uu ku soo maray gobolada bariga oo tan
iyo intii la doortay aanu booqanin.
Safarkan madaxweynuhu ku tagay gobolada bariga
ayaa loo bixyey mideeye, waxaana soo maray dhamaan gobolada bariga iyo
degmooyinkoodda, waxaana saaka madaxweynaha looga hortagay duleedka bari ee
magaaladda oo saakay hiirtii waaberi dadku ku sugayeen.
Qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan
degmooyinka kala duwan ee caasimadda oo ay hormood u yihiin maamulka gobolka
Maroodi-jeex, xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo
madaxdoodu oo ku lebbisan calanka Somaliland, caleemo qoyanna lulaya,
ayaa madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ku qaabilay bariga
kaantaroolka Halleeya, waxana halkaas hadallo mahadnaq ah uga jeediyey
Madaxweynaha iyo xubno kamid ah dadka magaca ku leh bulshada reer Somaliland.
Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo
kamid ah ganacsatada reer Somaliland ee caanka ah ayaa madaxweynaha ku
bogaadiyey booqashada gobolada bari iyo in uu u kuurgallo baahiyaha ka jira
goboladaasi.
Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed
Suldaan Cabdiqaadir oo isna halkaasi ka hadlay , ayaa safarka
madaxweynaha ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday.
Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin,
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Jaamac Xaaji Axmed iyo maayarka caasimadda
Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco ayaa iyaguna dadweynihii reer
Hargeysa ee madaxweynaha soo dhoweeyey u mahadnaqay.
Madaxweyne Biixi ayaa soo dhoweynta shacabka reer
Hargeysa ku tilmaamay mid bulshada caasimaddu ku muujiyeen qarannimada,
islamarkaana ugu mahadnaqayeen shacabka gobollada kale ee madaxweynaha iyo
weftigiisa sida fiican usoo dhaweeyey, waxana uu yidhi, “Waan idiinka
mahadnaqayaa qaban-qaabada iyo soo dhaweynta aad soo gasheen oo muujinaysa
qaran-nimada Somaliland iyo inaad gobolladii kale ugu mahadnaqdaan midnimada
iyo shucuurta, maadaama oo aad Hooyadii dalka tihiin, waxana aad soo dhaweyseen
sharaftii qaranka.”
Madaxweynaha oo sharaxaya safarkii uu ku tegay
gobollada bari waxa uu yidhi “Safarkaa aynnu galnay iyo midnimadaa
Somaliland cadowgeedu ma uu filaynin inay Somaliland marka ay qaran-nimada
tahay isku mid tahay, iyadu dhexdeeda ay ka dooddo, laakiin qaranka iyo
hawlihiisa iyo dalka ay u midaysan tahay, taasina waxa ay kalliftay in dawladda
Xamar muddadii aynnu wareegaynay ay toban goor hadlaan,”
Madaxweyne Biixi ayaa labadii cishe u dambeeyey
ku sugnaa magaalada Berbera, waxaana lagu arkayey isagoo ka shaahaynayey
makhaayadaha shacabku iskugu yimaadaan, waxanu shalay salaadii jimce la tukaday
shacabka reer Berbera.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland