4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 1 , 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo siweyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

 

Sabti, December, 01, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar uu muddooyinkan ugu maqnaa dalka Turkiga.

Maxamed Mursal ayaa si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay  Garoonka Aadan Cadde.

“Waad mahadsan tihiin soo  dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa  sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama  hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” ayuu yiri Gudoomiye  Mursal.
 
Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa ka muuqday dhoolatus iyo loolan u dhaxeeyay Xildhibaanada labada dhinac ee Baarlamaanka, kuwa taageersan Xukuumadda  iyo kuwa ka soo horjeeda, waxaana laga dareemayay in labada dhinacba  raadinayaan kalsoonida Guddoomiyaha. 
 
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maalintii shalay Wareysii siinayay VOA ayaa sheegay in marka uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho dib u eegis ku sameyn doono tallaabadii guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka uu ku kala diray Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka.
 
Xildhibaannada ka soo horjeeda go'aankii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ayaa ka rajeynaya guddoomiyaha in uu qaadi doono tallaabo ka dhan ah guddoonkii ku-xigeenka koowaad, halka dhinaca kalana ay ka rajeynayaa in uu ku raaci doono guddoomiye ku-xigeenka go'aankii uu ku kala diray guddiga Maaliyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]