Sabti, December, 01, 2018 (HOL) – Wasiirkii
wasaaradda cilmiga sayniska iyo Jaamacaddaha dalka UK Sam Gyimah ayaa is
casilay wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay uusan taageeri karin
heshiiskan ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.
iscasilaada
Wasiirka ayaa timid ka dib markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay
heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, islamarkaana baarlamaanka la
horgeyn doono qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK.
Waa Wasiirkii Todobaad oo iscasilay Bishaan
Gudaheeda ,taasoo ku dhigan in wasiiradda ay kasoo horjeedaan qorshaha ka
bixitaanka UK.
Tiro
wasiirro ah ayaase la fahamsan yahay in ay sheegeen hadallo ka dhan ah arrintaas.
Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi Mr
Corbeyn ayaa May iyo maamulkeeda ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen dardar gelinta
qorshaha BREXIT oo uu sheegay in ay dadka reer Britain u sheegtay in ay ahmiyad
gaar ah siin doonto qorshahaasi.
Waxaa la fahansanyahay in May aynan sidii loo
baahnaa wax ugu qaban qorshaha BREXIT waxaana xusid mudan in
Reisulwasaarihii kaga horeeyey xafiiska Mr Cameroon in uu xilka u baneeyey
sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka Britain ay isaga baxayso dalalka midowga
Yurub.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]