4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 1 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Sabti, December, 01, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamiga ah howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay ku dileen Sagaal xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wasaarradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka uu dhacay 30kii bishii November maalintii shalay.

Weerarkan oo ahaa sida ay Wasaarraddu sheegtay mid qorsheysan lagu bartillmaameedsaday saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannada la weeraray, islamarkaana lagu dilay Sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Wasaarradda ayaa intaa ku dartay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka Al-Shabaab ee gobolka Bay, waxaana ay intaasi kusii dartay in howlgalkaan uu daba socday howlgallada maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka Mudug.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii xoogeysanayay weerarrada cirka iyo dhulka ah ee lagu bartilmaameedsanayo fariisimaha Al-shabaab ee gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]