Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed : Annaga ayaa dalbanay ciidamada la keenay Baydhabo
Sabti, December, 01, 2018 (HOL) –
Kaddib Khilaaf ka dhashay ciidammo maalintii shalay dowladda federaalka
Soomaaliya ay u dirtay magaalada Baydhabo ayaa dhinaca kale marka la eego mas’uuliyiin
ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay warbaahinta u sheegeen in
ciidamadaasi yihiin kuwo ay iyagu codsadeen si ay uga qeybqaataan sugida
Amniga.
Wasiirka Amniga maamulka Koonfur
Galbeed Xassan Xusseen Eelaay oo la hadlay Warbaahinta VOA ayaa sheegay in
ciidamadan yihiin kuwo ka qeybqaadanaya sugida Amniga doorashada, madaama ayuu
yiri Al-shabaab isku dayayaan in ay carqaladeeyaan deegaannadan.
‘’Waan ogtihiin kooxaha cadowga
waxaa ay xoojiyeen weerarraddoodii shalay ayaa ugu danbeysay waxaa ay weerar ku
soo qaadeen deegaanka KoofGuduud, sidaa daraadeed ciidamadan Annaga ayaa ka
dalbanaya dowladda waxaa ay ka qeybqaadan doonaan dagaalka lagula jiro
Al-shabaab’’ ayuu yiri Wasiirka,.
Mar uu soo hadal qaaday jawaabtii
uu guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
ka bixiyay ciidamada la geeyay magaalada
Baydhabo ayuu yiri’’ Dabcan Annaga dowlad ayaan weydiisanay ciidamada,
guddoomiye Mursal –na dowladda ayuu ka tirsan yahay, sidaa daraadeed haddii ay
mas’uuliyiinta dowladda wax kale ka dhaxeeyaan waa in ay iyagu is raad-sadaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Soomaaliya Maxamed Mursal oo aragtidiisa ciidamada ka hadlay ayaa sheegay in
tallaabo qalad uu u arkayo ciidamadii horay u joogay Baydhabo kuwo kale lagu
sii kordhiyo, taasoo keeni karta ayuu yiri carqalad iyo qalqal ku imaan kara
doorashada.
Dowladda federaalka Soomaaliya
gaar ahaan Wasaarradda Amniga Gudaha wali kama aysan hadal ciidamadan la geeyay
Baydhabo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]