Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Dekadda Berbera ayaa waxa si xawli ah uga
socda dhoofka xoolaha nool oo bishii u dambeysay aad looga dhoofinayey dekadda.
Isku duwaha wasaaradda xanaanadda xoolaha
Somaliland Axmed Loojee ayaa sheegay in illaa hadda ay dekada ka dhoofeen xoolo
lagu qiyaasay shan boqol oo kun oo neef, iyadoo qorshuhu yahay in hal milyan
iyo afar boqol oo neef la dhoofin doonno inta carafadda lagu jiro.
“Xiligan aan ku jiran waa Xiligii carafadda
oo xoolaha ugu badan inaga dhoofaan, kutalogalka inta la doonayo inay inaga
dhoofaan waa milyan iyo afar boqol oo neef, mudadii imika aanu dhoofka
bilaabmay oo oo ka bilaabmaysa Bishii July 12,2018 waxa ilaa wakhtigaasi
inaga dhoofay in ka badan shan boqol oo kun oo neef ”ayuu yidhi Axmed Loojee
isku duwaha wasaaradda Xanaanada xoolaha.
Somaliland waxa laga dareemayaa dhoofka xoolaha
oo marka xoolaha la furo kor u qaada dhaqaalaha dadweynaha, kuwaas oo dad faro
badan ka hawlgalaan dhoofka xoolaha.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.