4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Madaxweynaha Iraan oo cuna-qabateynta Mareykanka ku sheegay "dagaal maskaxeed "

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dalka Iraan, Xasan Rouhani ayaa ka horyimid cuna-qabateyn cusub oo u Mareykanka ku soo rogey, wuxuuna sheegay inaysan wada-hadal la gali doonin marna maamulka uu hoggaaminaayo Trump.

Rouhani, oo hadal ka jeediyay telefishinka ay dowladda Iraan maamusho ayaa madaxweynaha Marekanka ku eedeyay inuu ku howlan-yahay kala qoqob iyo burbur ku yimaada Iraan, isagoo cuna-qabateynta cusub ku tilmaamay dagaal maskaxeed lana-doonayo in lagu qeybiyo dadka reer Tehraan.

Mareykanka ayaa mar kale dib ugu soo rogey dalka Iraan cunaqabateyntii dhaqaale. Cunaqabateyntan ayaa markeedii hore Iran loogu soo rogey si loo xadeeyo barnaamijkeedii nukliyeerka, waxaase markii dambe looga qaadey heshiis caalami ah sanadkii 2015-kii.

Madaxweynaha Marekanka, Donald Trump ayaa si joogto ah u cambaareyn jirey heshiiskaas, xilli hore oo saakay ah ayuu ku weerarey Iraan in maamulka ka jira uu yahay kaligii taliye dilaa ah,wuxuuna Mareykanka ka saarey heshiiskaas seddex bilood ka hor, cunaqabateyntan ayaa hirgashey saqdii dhexe ee Isniinta.

Waxaa kale oo uu ku celiyey madaxweyne Trump, in Nov 5 Mareykanka uu sii wadi doono cunaqabateynta dhinaca tamarta iyo ganacsiga ee ay la galaan ganacsatada ajaanibta ah iyo hey'adaha dhaqaalaha bankiga dhexe ee Iran.

Midowga Yurub ayaa ka hadlay sida ay uga horjeedaan tallaabadaasi,waxayna ballan ku qaadeen in la ilaalinayo waxyaabaha ay sameeyaan shirkadaha dalkaasi ee ganacsiga sharciga ah.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online