SIMAD oo daah furtay mashruuc ardeyda looga fududeynayo dhaqaalaha wax-barashada
Talaado, August, 07, 2018
(HOL)– Waxaa maanta xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD lagu daah furay mashruuc
loogu magac daray Qardul-Xasan. Mashruucaan oo ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa
ah oo laga fuliyo soomaaliya ayaa suurta- galinaya in ardyada wax ka baranaysa Jaamacadda
SIMAD laga fududeeyo culayska qarash ee waxbarashada heerka Jamacadeed ayagoo
bixinaya 30% inta daraasaddu u socoto halka 70% ay ku bixin doonaan 3 sano
kaddib qalinjabintooda.
Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD
Dahir Xasan oo ka hadlay furitaankii mash-ruucaan ayaa uga mahad celiyay
hay’adda DirecAid maal-gelinta ay u samaynayso Ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan
kuwa dakhligoodu yar-yahay.
Waxaa kaloo uu sheegay in hadafka mashruucaan uu yahay in
fursad la siiyo dhalinyarada doonaysa in ay waxbartaan hase ahaatee aanan hada
awoodin in ay bixiyaan qarashka waxbarashada.
Gudoomiyaha hay’adda
hirgalinaysa mashruucaan ee DairectAid mudane Xassan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay
in hal abuurkaan uu kamid yahay howlaha ay hay’addu ugu talagashay in dhinaca
waxbarashada looga taakuleeyo umadda soomaaliyeed. waxa uu xusay in
ujeedooyinka waawayn ee DirectAid ay doonayso in ay xaqiijiso ay ka mid tahay in
xoogga la saaro waxbarashada iyo horumarinta shakhsiga.
Martidii kasoo qayb gashay
munaasbadda ayaa aad usoo dhoweeyay mashruucaan o ay ku tilmaameen in uu
horseedi doono horumar iyo baraare isla markaasna kula taliyay in ganacsatada
soomaaliyeed ku daydaan oo hirgaliyaan mashaariic lamid ah kan maanta lagu daah
furay xarunta Jaamacadda SIMAD.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]