Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay xaalada Cabdi Maxamuud Cumar
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee
dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo war kooban siiyay
warbaahinta ayaa ka hadlay xaaalada madaxweynaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud
Cumar.
Wuxuu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu badqabo
islamarkaana ku sugan yahay sida uu hadalka u dhigay magaalada Jigjiga, waxaana
uu intaa ku daray in uu wali yahay hogaamiyaha xisbiga tallada haya ee dowlad
deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta ku
dhawaaqay in uu xilka ka degay, kaddib markii uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh
oo soo kala dhax-galay maamulka uu madaxweynaha ka ahaa iyo dowladda dhexe ee
federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha cusub ee tallada la wareegay oo ah nin
dhalinyaro ah waxaa uu dhashay 1986 waxaa uu horay u ahaa Wasiirkii Maaliyada
dowlad deegaanka isaga oo waxbarashadiisa heerka Jaamacadeedna ku soo
kala qaatay magaalooyinka Dirir-Dhawa iyo Bahardar ee dhulka Ismaamulka
Itoobiya
Dhinaca kale magaalada Jijiga ayaa laga maqlay rasaas ay
radiyeen ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ee gudaha u galay magaalada
kuwaa oo kala erayay dad doonayay in ay boob –geystaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]