4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Cabdi Maxmuud Cumar oo iska casilay xilkii madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in uu xilkii iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Is-casilaada madaxweynaha ayaa ku timid cadaadis uga yimid madaxweynaha golaha deegaanka iyo odayaasha kaddib qalalaasihii ugu danbeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Itoobiya.

Xilka madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si KMG loogu wareejiyay Wasiirka Maaliyada Axmed Maxamed Cabdi Ilkacase.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda dhexe, waana tan loo maleynayo in ugu danbeyntii keentay in  ciidmadu fara-galiyaan Ismaamul deeganka.

Lama oga waxa is cislaada Cabdi Maxamuud Cumar ka badali doonto xaalada deegaanka oo maalmihii ugu danbeeyayba kacsaneyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]