4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Jigjiga oo mar kale ay ciidamo gudaha u galleen iyo warar sheegaya in uu is casilay Cabdi Maxamuud Cumar

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in mar kale galinki danbe ee maanta ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya  gudaha u galeen magaalada.

War laga soo xigtayy idaacadda afka dowladda ku hadasho ee Fana wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ayaa sheegtay in gelidda ciidamada ee magaalada ay ku timid codsi uga yimid maamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Idaacada ayaa intaa ku dartay in ay ciidamadu si dhaqso leh u billaabi doonaan howl gallo amaanka guud ahan deegaanka lagu xaqiijinayo.

Ma jiro war ka soo baxay maamulka Soomaalida oo ku saabsan ciidamadan cusub ee soo galay Jigjiga.

Dhinaca kale warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo xilkaa si KMG loogu dhiibay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waa idin soo gudbin doonaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]