4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Magaalada Hargeysa oo ay ku soo badanayaan Gaadiidka la xaddo

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Magaaladda Hargeysa waxa ku soo badanaya gaadiidka laga xaddo, kuwaas oo la sheegay in Fureyaal gaadhi kasta furaya loo samaystay.

Tuugtan xadaysa baabuurta ayaa u badan dhalinyaro, kuwaas oo marka hawlahoodda ka dhamaystaan ama shiidaalku ka dhamaado meelo cidlo ah kaga tagaya, qaarkoodna loogu imanayo iyadoo aan waxba lagala bixin.

Dhacdadan baabuurta laga xadayo oo ka yaabisay dadweynaha ayaa tii u dambaysay waxay dhacday bishii dhamaatay ee July 31-keedii, waxaanay xadeen gaadhi nooca looyaqaan Seeraf.

Afar cisho ka dib ayaa gaadhigan laga heley duleedka galbeed ee Hargeysa, isagoo yaala meel doox ah oo biyo mareen ah, waxaana isla habeenkaasi helay Roob weyn kaasi oo baabuurkiii waxyeelo weyn u gaystay oo gabi ahaanba baabuurkii furfurey.

“Waxaase farxad weyn inoo ah in aynu gacanta ku hayno eedaysanayaashii cadaymo wanaagsanna aynu u hayno fal dambiyeedkan caqli xumaanta ah ugubkana innagu ah in dhawaydna hadalhayntiisu innagu soo badanaysay.”ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hargeysa Khadar Baaruud oo baabuurkan la xaday ka hadlaya.

“Dhamaan intii ka qayb qaadatay hawshan waa ay mahahsanyihiin gaar ahaan shacabkii sida hagar la'aanta ahaa u gacansiiyey dawladda, si gaarana waxaan ugu mahadnaqayaa walaalkay mustafe Maxamed Khayre oo kiiskana dhibane ka ahaa dawlad ahaanna si weyn qayb uga ahaa baadi goobka kamanuu niyad jabin halmar tan iyo maalintii laga xadayna saacad kasta wuu sara taagnaa.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Baabuurkan la helay ayaa loo hayaa dhawr iyo toban qof, kuwaas oo la baadhayo, waxaana la sheegay in baabuurkan lagaga shaqaynayey aroos ka dhacay tuulada Xagal ee duleedka Magaalada Hargeysa ka dib markii ay arooska ku dhamaysteena dooxa badhtankeeda kaga tageen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland