Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid
noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.
Kulanka dhaarinta oo ka dhacay
xarunta golaha shacabka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka
Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee
golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) iyo xubnaha guddiga
joogtada.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka
ahaa ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna Ra’isal Wasaare ku xigeen Xukuumada
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada.
ku simaha Ra’isal Wasaaraha ahna
Ra’isal Wasaare ku xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in
xubnahaan cusub ay qeyb ka yihiin barnaamijka dardar gelinta xukuumada.
“ Mudane guddoomiye waxa sharaf weyn
inoo ah inaan idiin soo gudbino lix masuul oo golaha wasiirada ku soo biiray oo
afar ka mid ah ay halkaan joogaan, mudane guddoomiye masuuliyiintan maanta la
dhaariyay waxaa ay qeyb ka tahay dargelinta barnaamijka weyn ee xukuumada iyo in
dhiig cusub lagu shubo si loo gaaro hadafka xukuumada” ayuu yiri Ra’isal
Wasaare ku xigeenka xukuumadda.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa wasiirada cusub kula dardaarmay iney si
sax ah shaqadooda u gutaan.
“ Golaha shacabaka waxa uu furmi
doonaa 10-ka September wasiirada xildhibaanada ah waxa ka rabnaa iney kulamada
golaha soo xaadiraan oo ay labada shaqo si wanaagsan u gutaan” ayuu yiri
guddoomiyaha golaha shacabka.
Mudanayaasha maanta la dhaariyay waxa
ay kala yihiin:-
1. Mudane C/llaahi Goodax Barre
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare.
2. Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh
Xuseen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
3. Mudane C/qaadir Sheekh Cali
Ibraahim (Baqdaadi) Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.
4. Mudane Saqar Ibraahim Cabdalle
Wasiir ku xigeenka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.
Dhinaca kale Guddiga joogtada ee
golaha shacabka BJFS ayaa maanta warbixin ka dhageystay guddiga madaxa banaan
ee xuduudaha iyo Federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]