4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Marekanka oo dhaqan-galinaya cunaqabateyn cusub ee dalka Iraan

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa rasmi ahaan u dhaqangalinaya cunaqabateyn cusub oo u saaray dalka Iraan, saacadaha hore oo Talaalada berri, sida laga soo xigtay warbaahinta dalka.

Wax-yaabaha ugu horreeya ee Mareykanku doonayo in cunaqabateyntu ka billaabato waa qeybaha warshadaha Baabuurta iyo ganacsiga xagga dahabka iyo macdanta kale.

Mareykanka, waxaa kalo u shaaciyay in wareegga labaad ee cunaqabateynta la billaabi doono 4-ta bisha Nofembar ee soo socota.Bishii May, Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii niyukleerka ee Iran kadibna cunaqabateynadii caalamiga ahaa dib ugu soo celiyay ,inkastoo aysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in maamulka Tehran ay ku xadgudbeen heshiiskii ay la gashay lixda dal.

Go'aanka uu Mareykanka heshiika uga baxay, waxaa horey u diiddey dalalka UK, Fransiiska, Shiinaha, Ruuska iyo Jarmalka, kuwaas oo sidoo kale dhinac ka saxiixay heshiiska sanadkii 2015-kii.

Maamulka Trump ayaa Iran u arka in ay awood u adeegsanayeso bariga dhexe si ay u maamusho, taaso oo dhibeysa xulafada Mareykanka ee kala ah Sacuudi Carbiya iyo Israa'iil oo labaduba ah cadowga koowaad ee Iran.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online