Boqor Burhaan " Soomaalida Itoobiya waxaa laga doonnayo midnimo .. si ay dhibaatada uga gudbaan"
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo
magaalada Qardho kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay rabshadaha ka soo
cusboonnaday xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, kaddib
markii dhawaan ay gudaha u galeen militeriga federaalka Itoobiya.
Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamey
dhibaatada wayn ee ka dhacday dhulka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka
Itoobiy, isagoo inta ku daray in aan la aqbali karin waqtigaan in
ciidamo la geeyo Jigjiga, waxaa kalo uu farrin u direy dowladda Itoobiya
oo uu ka dalbadey in ay hirgeliyaan ballan qaadkii ahaa in Geeska Afrika
laga hirgeliyo nabad waarta.
Boqor Burhaan, ayaa sidoo kale
sheegay in ay aad uga xunyihiin dullaanka aan loo meeldayin ee lagu qaaday
Soomaalida-Itoobiya. Boqorka ayaa u soo jeediyaay dadka Soomaaliyeed inay isha
ku hayaan deegaanadooda, isla markaana ay isku dubnaadan, isagoo tibaaxay in
shidaalka ku jira dhulkaas Soomaalida ay leedahay saami aad u yar taas oo an
xilligan macquul ahayn.
Hubaanti la’aanta ayaa wali ka
taagan magaalada Jigjiga, tan iyo markii Sabtidii ay rabshado ka
bilowdeen,waxaa la sheegay rabshadaha inay ku geeryoodeen tiro dad ah.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online