3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Soomaaliya oo ku biirtay dalalka hey'adda WFP ka iibsato Galeyda

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Hey’adda Cunnada adduunka ee WFP ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda beeraha Soomaaliya, kaddib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto waddamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

Munaasabad Axadii lugu qabtay Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho oo looga hadlayay iskaashiga dib usoo noolaynta wax soo saarka beeraha ayaa lugu shaaciyay hay'adda Cunnada adduunka inay ka iibsan doonto beeraleyda Soomaaliya Galeyda.

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabadda ka qeybgalay ayaa sheegay in heshiiska WFP ay ku oggolaatay in Soomaaliya ka iibsato Galeyda uu horseedayo in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.

 

WFP ayaa horey u keeni jirtay Soomaaliya Galey laga keennay dibadda oo la geyn jirey deegaannada ay abaaruhu ka dhacaan, waxaana qorshaha ay hey'adda ku oggaalatay in ay iibsato Galeyda soo dhaweeyay beeraleyda oo ku dhiirranaya inay kor u qaadan biirista miraha Galeyda oo markii hore qiimo badan aan ku fadhin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
 













Click here
8/6/2018 3:10 PM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo war kooban siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaalada madaxweynaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar.

8/6/2018 12:39 PM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in uu xilkii iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

8/6/2018 12:06 PM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)– Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in mar kale galinki danbe ee maanta ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya gudaha u galeen magaalada.

8/6/2018 9:18 AM EST
Isniin, August,06, 2018 (HOL)–Magaaladda Hargeysa waxa ku soo badanaya gaadiidka laga xaddo, kuwaas oo la sheegay in Fureyaal gaadhi kasta furaya loo samaystay.

8/6/2018 8:48 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dhaariyay xubno cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada Soomaaliya.

8/6/2018 6:39 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa muddo 24 saac ah u qabatey danjiraha Canada Dennis Horak si uu dalka uga baxo, taas badalkeeda boqortooyada Sacuudiga waxay u yeertay safiirka ka jooga Canada.

8/6/2018 5:24 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa rasmi ahaan u dhaqangalinaya cunaqabateyn cusub oo u saaray dalka Iraan, saacadaha hore oo Talaalada berri, sida laga soo xigtay warbaahinta dalka.

8/6/2018 5:20 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–91 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul gariir xooggan oo ku dhufatay jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia, sida laga soo xigtay saraakiisha gargaarka degdegga ah.

8/6/2018 3:39 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Boqor Burhaan Boqor Muuse , oo magaalada Qardho kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay rabshadaha ka soo cusboonnaday xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, kaddib markii dhawaan ay gudaha u galeen milateriga federaalka Itoobiya.

8/6/2018 2:48 AM EST
Isniin, August,06,2018 (HOL)Puntland ayaa shaacisay qorshe lugu doonayo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir Muuse inuu shaqeeyo habeen iyo maalin, taaso ka dhigeysa garoonkii ugu horreeyay ee Puntland oo shaqeynaya labo xilli.

8/6/2018 2:43 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Boqolaal Itoobiyaan ah oo ka soo qaxay Jig-jiga ayaa soo gaadhay magaalo xuduuddeedka Tog-wajaale gaar ahaan dhinaca Somaliland.

8/6/2018 2:38 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa ku baaqday inan la dhibaateyn dadka qaxootiga ku ah deegaannada dowlad-gobolleedka, kaddib markii baraha bulshada lugu baahiyay muuqaalka nin la sheegay inuu ka soo jeedda qowmiyada Oramada oo lugu jirdilay magaalada Boosaaso.

8/6/2018 12:56 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalooyinka Jigjiga iyo Diri-Dhabe ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay ka jirto xaalad degenaasho, kaddib rabashadoo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay.

8/6/2018 12:47 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

8/6/2018 12:36 AM EST
Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay wax-ba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyntii hanti-dhowrka guud iyo xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka dhan ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.