Garoonka diyaaradaha Garoowe oo loo diyaarinnayo in uu shaqeeyo habeen iyo maalin
Isniin, August, 06,
2018 (HOL) – Puntland ayaa shacisay qorshe lugu doonayo garoonka
diyaaradaha magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir Muuse in uu shaqeeyo habeen
iyo maalin, taaso ka dhigeysa garoonkii ugu horreeyay ee Puntland oo shaqeynaya
labo xilli.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa toddobadkii hore dhagax-dhigay mashruuc layr loogu sameenayo
garoonka diyaaradaha, kaas oo suragalinnaya garoonka diyaaradaha Garoowe , inuu
shaqeeyo habeen iyo maalin, sida lugu sheegay war-saxaafadeed ay baahisay
madaxtooyada Puntland.
"Sawirka runta ah waxaa
bixinnaya markii laga soo deggo waa garoonka, marka waxaan rabnaa
garoonka caasimadda inuu qurxoonaado, wanaagsanaado, nal leeyahay, jidad fiican
leeyahay." ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo u mahadceliyay cid walba oo
ka qeybqaadatey horumarinta garoonka diyaaradaha.
Mashruuca nalalka cadceeda ku
shaqeeya ee laga hirgaliyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa qeyb ka ah
dayactirka lugu sameeyay oo hadda gabagabo maraya, sida ay sheegeen
mas'uuliyiinta garoonka.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online