4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Puntland " Ma ogalaneyno in lugu xadgudubo dadka qaxootiga ah"

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa ku baaqday inan la dhibaateyn dadka qaxootiga ku ah deegaannada dowlad-gobolleedka, kaddib markii baraha bulshada lugu baahiyay muuqaalka nin la sheegay inuu ka soo jeedda qowmiyada Oramada oo lugu jirdilay magaalada Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay inay meel adag ka taagan-tahay siyaasadda Puntland dhibaato in loo geysto dadka maganta u ah, wuxuuna inta ku daray in la bunbuuniyay dhacdada ka dhacday magaalada Boosaaso.

" Puntland ma ogalaneynso in la dhibaateeyo dadka qaxootiga ah." ayuu yiri Burhaan Huurse Xaashi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha " Ma jirto wax dhibaato ah oo la soo garsiiyay wasaaradda, balse waxaa jirta dhacdo la buunbuuniyay oo ah nin Oromo ah oo lugu bugabugeeyay Boosaaso." ayuu raaciyay hadalkiisa.

Xaashi , ayaa sheegay in la qaadayo tallaabooyin looga hortagayo in la dhibaateeyo dadka ka soo jeedda qowmiyada Oromada ee qaxootiga ku ah Puntland, wuxuuna yiri " Puntland horey ayay u sheegtay marna ma aqbaleyno xiisada ka taagan Itoobiya in ay saameyn ku yeelato dadka halkan nala jooga."

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online